Indhacadde: “Imaaraadku wuxuu rabaa inuu dowladeena Somalia ula dhaqmo siduu doono”

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowlada Somalia ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo waxa sababay.

Indhacade ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka aysan Soomaaliya u imaan iney dadka Soomaaliyeed kaalmeyso balse ay u timid sidii ay u curyaamin laheyd dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray in sababta ugu weyn ee Imaaraadka Soomaaliya u yimaadeen ay tahay hinaaso Siyaasadeed oo uu xusay inuu ka dhashay gurmadkii balaarnaa ee dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday sanadkii 2011 ka dib abaartii dalka ka dhacday.

“Waxaan aaminsanahay Imaaraadka marka la eego hab dhaqankooda dalkeena lugooyo mooyee faa’iido ah kuma qabin, waxay keeni jireen dawooyin dhacay iyo raashin aan wanaagsaneyn, dadka Soomaaliyeed ee dagaalada ku dhinta waxaa ka badan kuwa Imaaraadku sida dadban u dilo, waxaan u mahad celinayaa dowladda Soomaaliya oo iska diiday quursiga iyo dhaqan xumada Imaaraadka, waxaana heli doona dowladdo ka wanaagsan oo inoo bedela” ayuu yiri Yuusuf Indhacadde.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Indhacadde in waxyaabaha keenay khilaafka labada dowladood inuu yahay Imaaraadku oo doonayo inuu dowladda Soomaaliya ka yeesho siduu doono, iyagoo sheeganaya awood dhaqaale, taasoo uu xusay in dowladu ay ku gacan seyrtay.

“Turkiga oo la ogyahay kaalmada uu Soomaaliya siiyo, wax fara gelin ah kuma haayo siyaasada Wadanka, laakiin nimankan imaaraadka la leeyahay waxayba rabaan iney dowladeena u yeeriyaan cida ay la saaxiibeyso iyo cida ay la coloobeyso, waxay kaloo rabaan iney u dhaqmaan siday doonaan, arimahaas oo dhana wax la aqbali karo maaha” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Indhacadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -