Jawaari oo markii ugu horeysay ka hadlay iscasilaadiisa iyo sababta ka dambeysa

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu go’aansaday inuu xilka iska casilo.

“Waxaan idin xaqiijinayaa inaan iska casilay xilka Afhayeenka Baarlamanka, waxaan u turay aayaha dalka iyo inuusan imaan khalalaase siyaasadeed oo muddo fog socda, kaasoo sababi kara in dalka uu galo burbur.” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari oo la hadlayey idaacada BBC-da.

Jawaari ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay si uu burbur uga badbaadiyo Baarlamanka iyo dowlada.

Waxaa uu ayaa sheegay in kulan uu arbacada isugu iman doono baarlamaanka uu istaqaaladiisa ka hor gudbin doono.

Faahfaahin dheeraad ah kama bixinin sababaha uu isku casilay, iyo talaabada xigta ee uu qaadi doono.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Muudey ayaa baarlamanka ka sheegay inuu is casilay Jawaari, sidaasi darteedna waxaa la joojiyay codkii kalsoonida ee loo qaadi lahaa guddoomiyaha.

Talaabada uu qaaday Jawaari ayaa soo afjareysa Muddo 26 maaalmood ah oo dowlada Somalia uu ka dhex socday qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay mooshin ahaa in guddoomiye Jawaari codka kalsoonida lagala noqdo kaasoo ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -