Madaxweyne Xaaf oo Qoraal Xasaasi ah ah u diray Wakiilada Beesha Caalamka (Akhriso)

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qoraal uu kaga cabanayo faragalin uu sheegay in dowlada federaalka ku heyso Galmudug waxa uu u diray wakiilada Beesha Caalamka .

Xaaf ayaa Warqada uu u diray Beesha Caalamka oo ku qorneyd luqada English ku sheegay in dowlada federaalka faragalin iyo qalalaase ku heyso Galmudug , waxa uu sidoo kale sheegay in dowlada ay afduubatay doorashada Galmudug.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf in dowlada federaalka Soomaaliya geesay magaalada Dhuusomareeb ciidamo aad u badan uu sheegay in loogu tala galay cabsi galin iyo in lagu fuliyo danaha dowlada.

Qoraalka Xaaf u diray Beesha Caalamka ayuu sidoo kale ku sheegay siyaasada iyo habdhaqanka dowlada in ay abuurtay iska horkeenid iyo in la abuuro xiisado aan loo baahneyn.

Xaaf ayaa sidoo kale u cadeeyay Beesha Caalamka in uu wakaaladii kala noqday Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, waxa uuna sababta ku sheegay in beelaha qaar keeneen tabashooyin ku aadan sida dowlada ay wax u wado.

Madaxweyne Xaaf ayaa qoraalka uu u diray Beesha Caalamka ugu sheegay in uu magacaabay Guddi doorashada Galmudug qaban qaabiya ayna ka go’an tahay in uu qabto doorasho xor ah oo lawada ogol yahay.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Xaaf u diray Beesha Caalamka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -