Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidanka Kumandoska ee DANAB oo Al-Shabaab oo kala wareegay degaano cusub (Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Kamaandoska ee Danab ayaa todoba Tuulo kala wareegay kooxda Al-Shabaab sida laga soo xigtay saraakiisha ciidankaas.

Guutada 16aad ee Danab ayaa maanta gobolka Shabeellaha Hoose ka fuliyay Howlgal ballaaran oo qorshihiisu ahaa in Al-shabaab looga saaro degaano ka tirsan gobolkaas.

“Ciidanka Kamaandoska ayaa si buuxda argagixisada uga xoreeyay tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir oo dhamaantood ka tirsan Sh/hoose” ayuu yiri Taliyaha Guutada 16aad ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Taliye Maalin ayaa sheegay in 20 ka mid ah kooxda Alshabaab lagu dilay intii uu socday howlgalkan oo uu sheegay inuu ahaa mid shacabka looga dul qaadayey dhibaatada ay kooxda Al-shabaab ku hayaan sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay inay sii wadayaan howl-gallada inta Al-shabaab laga saarayo dhammaan deegaannada ay joogaan, iyadoo dhinaca kale aysan jirin warar madax banaan oo ka hadlaya qaabka ay howlgaladan u dhaceen iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Akhriso) Warbixinta Maalinlaha ah ee Wasaarada Caafimaadka DF COVID-19

Caydiid Ali

Xiliga la qabanayo dooorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Taliye cusub oo loo magacaabay qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---