Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha weerarkii lagu qaaday saldhiga Maraykanka ee Lamu

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerar saaka kooxda Al-shabaab ku qaaday saldhig militeri oo ay isticmaalaan ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka oo ku yaalla gobolka Lamu ee Kenya.

Weerarkan lagu qaaday xeradan militeri ee ciidamada cirku isticmaalaan ee loo yaqaan Camp Simba ee Manda Bay oo u dhow xeebta loo dalxiis tago ee jasiiradda Lamu ayaa ah kii ugu danbeeyey ee kooxda Al-Shabaab ay ka gaysato dalka Kenya tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

Afhayeenka Ciidamada Kenya Colonel Paul Njuguna ayaa ku sheegay warsaxaafadeed uu subaxnimadii hore ee maanta soo saaray in kooxda Al-Shabaab ay isku dayday inay carqaladeyso amniga saldhigga Mandi.

“Isku daygaasi waxaa looga hortagay si guul ah. 4 nin oo argagixiso ah ayaa ilaa iyo hadda aan meydkooda helnay. Xaruntan iminka waa goob nabad ah,” ayuu yiri Njuguna.

Sarkaalkan ayaa sheegay in uu weerarkani sababay dab ka kacay xaruntan ciidan kaasi oo saameeyey haamaha shidaalka ee halkaasi. Haatan ayuu sheegay in dabkii la xakameeyey.

Warbixin ay soo saareen ciidamada booliiska Kenya oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegeysa in weerarkan ay ku burbureen laba diyaaradood oo nuuca yaryar ah oo mid ay leedahay Kenya tan kalana ay Mareykanku lahaayeen.

Waxaa kale oo warbixintu sheegeysaa in laba diyaaradaha helikobtorrada ah iyo dhowr gaari oo ay Mareykanku lahaayeen ay ku burbureen weerarkaasi ka dhacay xerada militeri ee Manda Bay.

War uu manata soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in qiimeynayaan khasaaraha weerarkan ayna dib ka soo sheegi doonaan faahfaahinta sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -