Dowlada federaalka oo la sheegay in Akoonka Galmudug kala baxday lacag ka badan 5-Milyan Dollar

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo wareysiyo kala duwan siiyay Warbaahinta Muqdisho ayaa eedeymo cul culus usoo jeediyay dowlada federaalka Soomaaliya.

Xaaf ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay maamulka uu hogaamiyo ee Galmudug lagu hayey dagaal wajiyo badan leh, kaasoo hadafka ugu weyn ee laga lahaa ku sheegay in madaxda federaalku doonayaan in ay meesha keensadaan dad iyaga ka amar-qaata.

Madaxweyne Xaaf oo su’aal laga weediiyay  amarka kasoo baxay Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka ee ku aadan in aan lacag lagala bixi karin sidoo kale aan la dhigi karin akoonka maamulka Galmudug ayaa sheegay in akoonkaasi uusanba lacag ku jirin hada.

Waxa uu sheegay Xaaf in akoonka Galmudug ay ka adeegatay dowlada federaalka Soomaaliya ayna kala baxday lacag gaareysa 5.5 Milyan oo Dollar, waxa uuna hada cadeeyay in uusan akoonkaasi lacag ku jirin.

”Akoonka Galmudug waayadanba waa laga adeeganayay ,lacag gaareysa 5.5 Milyan oo Dollar ayey dowlada federaalka kala baxday akoonka Galmudug, waxaan kaloo kuu sheegayaa in waayadan aanbo lacag lagu soo shubin ” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa rumeesan carada iyo go’aanka uu bedelay Madaxweynaha Galmudug Xaaf ay sabab u aheyd lacago uu ka heli jiray dowlada federaalka Soomaaliya oo laga joojiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -