Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaaradda Caafimaadka DF oo ka Warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay meelaha hoos ku qoran:-

Somaliland: 52
Puntland: 18
Jubbaland: 16
Banaadir: 14
Hirshabelle: 1
Lab: 64
Dhedig: 37
Dhimasho: 8
Bogsaday: 28

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 11,499 waxaana guud ahaan u geeriyootay 537 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khubarada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Ugandha

Caydiid Ali

War uu Cumar Finish kasoo saaray Dilkii Gudoomiyaha Hodan oo si weyn loo dhaliilay

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo diyaarisay halkii la dejin lahaa Xildhibaanada Farmaajo taageersan ee la doortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---