Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalka galabta ka dhacay degaanka Basra oo Al-shabaab oo weerar soo qaaday

Dagaal culus ayaa galabta ka qarxay meel ku dhow degaanka Basra oo ku yaalla xadka ay wadaagaan gobolada Sh/hoose, Sh/dhexe halkaasoo ay si buuxda shalay ula wareegeen ciidamada dowlada oo ka saaray Al-shabaabkii muddado dheer gacanta ku heyay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka galabta uu bilowday markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen ciidamada DF ee halkaas ku sugan oo iskugu jira, kuwa Haramcad iyo Kumandoska Gorgor.

Rasaas xoogan iyo qaraxyada hub culus oo la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa agagaarka degaanka Basra sida ay sheegayaan dad halkaas ku sugan.

Weli faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray labada dhinac iyo dadka degaanadaas ku nool ee dushooda lagu dagaalamayo.

Al-Shabaab ayaa waxay degaanka Basra ku laheyd fariisin weyn iyo Maxkamad ay dadka ugu yeeri jireen oo muddo dheer halkaas ka jirtay, ka hor inta aysan ciidamada DF kala wareegin maalintii shalay.

Dagaalkii shalay Al-shabaab looga saaray degaanka Basra ayaa waxaa ku naf waayey taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ka dib markii la qaraxday miino dhulka la aasay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Isbitaalka takhasusiga ee Guuleed oo Qaliino kala duwan fulinaya

Cabdi Cade

Maamulka Jubbaland oo War ka soo saaray go’aankii lagu fasaxay Xildhibaanada Ceelwaaq

Caydiid Ali

Gudoonka Aqalka sare ee Somalia fariin muhiim ah diray Senatarada Golaha (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---