Mareykanka oo ku hanjabay in ay weerari doonaan 52-goob oo Muhiim u ah dowlada Iiraan

Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan ayaa wali hawada isku marinaya hanjabaadyo aad u culus kadib dilkii Jeneraal Qasim Sulemani, waxaana laga cabsi qabaa in hanjabaada isku bedelo dagaal toos ah.

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku hanjabay in milatari Mareykanka ay si deg deg ah u weerari doonaan 52-goobood uu sheegay in muhiim u tahay dowlada Iiraan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Trump inta ay dowlada Iiraan si adag u hadleyso una hanjabeyso in ay bartilmaameedsan doonaan 52-goobood uu sheegay in ay soo ogaadeen in Iiraan muhiim u tahay.

”Mareykanka ma doonayo caga jugleyn dambe, hadii ay Iiraan weerarto danaha Mareykanka waxaana anaguna weerari doonaa 52-goobood oon ogaanay in muhiim u yihiin Dowlada Iiraan” ayuu yiri Trump .

Dilkii dowlada Mareykanka u geesatay Jeneraal Qasim Sulemani oo ahaa madaxii  ciidamada gaarka ah ee Qudus oo Iiraan u qaabilsan howlgalada dibadda ah,waxaana dilkan ka dhashay caro badan iyadoona Iiraan ku hanjabtay in ay aar goosan doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -