Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Cudur la garan waayey oo tiro dad ah ku dilay degaan hoos taga gobolka Sool

Ugu yaraan labo ruux ayaa u geeriyootay, 70 kalena wey la ildaran yihiin, xanuun aan la garaneyn oo ka dillaacay degaan lagu magacaabo Saaxdheer oo ka tirsan gobolka Sool

Dhakhaatiirta isbitaalka degaanka Saaxdheer ayaa sheegay in xanuunka halkaasi ka dillaacay uu wato calaamado dhowr ah oo ay ugu badan yihiin shuban iyo qufac aad u daran, balse aysan ilaa hadda garaneyn waxa uu yahay iyo.

Mas’uuliyiinta xarumaha caafimaadka ee degaanka Saaxdheer, ayaa sidoo kale sheegay in xanuunka oo si xawli ah ku faafaya uu soo ritay dad kala duwan oo ku nool Saaxdheer iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan degaanka.

Madaxda caafimaadka Saaxdheer ayaa codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro, iyagoo sheegay inay gabaabsi ka yihiin daawooyinkii iyo adeegyadii caafimaad ee xarumaha ku yaalla deegaanka, isla markaana bukaandu ay si isdaba joog ah u soo gaarayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ciidamo ka tirsan Booliska Somalia oo tababar casri ah ku qaadanaya Turkiga

Caydiid Ali

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisoow Adeege Qaran oo aan la ilaawi doonin

admin

Dalka marti-gelinaya kulanka labaad ee Trump & Kim John un oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---