Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland oo Eedeyn u jeediyay Xukuumada Muuse Biixi

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Qaliif ayaa ku eedeeyay xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi in sabab u aheyd dhibaatada xooggan ee xilligan ka taagan magaalada Laascaanood.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dacyac dhanka xukuumadda Somaliland ah, waxa uuna xusay in xukuumadda ku fashilantay wax ka qabashada xaalada Laascaanood.

Guddoomiye Cabdirisaaq Qaliif  ayaa sheegay in muddo ah magaalada Laascaanood ay ka dhacayeen dilal qorsheesan oo loogu gaysanayay dad ahaa waxgalka bulshada, kuwaa uu tilmaamay in aan xaaladooda waxba laga qaban .

Cabdirisaaq Khaliif guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa ku eedeyay xukuumadda in ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalalka joogtada noqday.

Waxaa uu cadeeyay in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin balse loo baahanyahay in maamulka Muuse Biixi la yimaado qorshe ay wax kaga qabanayso dhibaatooyinkii keenay in ay dadku kacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal kala duwan oo galabta ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb galayasha shirkii Culimada

Caydiid Ali

Dekadda Muqdisho oo xiran iyo Ganacsaada G/Banaadir oo Canshuur dheeraad ah lagu soo rogay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---