Madaxweyne Deni oo caawa Telfoon kula hadlay dad shacab ah hal Codsina weediistay

Madaxweynaha Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa wacay oo taleefan kula hadlay qaar ka mid ah Bulshada kunool magaalooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl.
 
Siciid Deni ayaa bulshada uu caawa telfoonka kula hadlay waxa uu weydiistay codkooda in ay siiyaan Ururka KAAH doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinkaasi ka dhacaysa 25-October 2021.
Madaxweyne Deni ayaa bulshada uu la hadlay u sameeyay balan qaadyo hadii codkoosa siiyaan urur siyaasadeedka uu hogaamiyo, waxa uuna shacabka uu la hadlay ku booriyay in doorashada usoo baxaan ayna codkooda siiyaan.
 
Doorashada Golayaasha deegaanka ee Degmooyinka Puntland ayaa 25-ka bishan si rasmi ah u bilaabanaya, doorashada qof iyo codka ayaana si tijaabo ah uga bilaabanaya sadex degmo, waxaana ku tartamaya dhoor urur siyaasadeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -