Allbanaadir.com
GALMUDUGMUQDISHONEWS

RW Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxaa garoonka dayuuradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo Galmudug.

Booqashada Ra’isul Wasaaraha ayaa dib u dhacday Sabtidii sababo la xiriira qaraxii ka dhacay maalintaas isgoyska Ex-control Afgoye ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare xooggan.

Khayre ayaa lagu wadaa inuu dardar geliyo qorshaha Maamul dhisida iyo doorashada maamulka Galmudug oo haatan maraya heer gebogebo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxuu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin caado ka dhigtay in sida Daanyeerka u socdo mudo 30-sano ah !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

In ka badan Boqol qof oo Imtixaan ugu galay Muqdisho hal boos shaqo banaan !! (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Maxay ka wada hadleen Ing. Yariisow & Madaxda Waaxyaha G/Banaadir?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---