Iska horimaad goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb

Iska horimaad ayaa caawa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo ilaalada gudoomiyaha golaha ahlu sunna.

Goob joogayaal aya sheegaya in mar kaliya ay ka war heleen rasaas la isweydaarsanayo oo ka dhaceysa gudaha magaalada.

Lama oga sababta dhalisay iska horimaadkan oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada dhuusamareeb, iyadoo la xiray qaar ka mid ah goobaha ganacsiga

Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa magaalada, weli ma jiraan tasaafiil ku saabsan khasaaraha iska horimaadkan oo ku soo aaday xili caawa maqribkii uu halkaas gaaray RW Somalia iyo wafdi uu horkacayo.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -