Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga dhexe ee Xamar & faahfaahino ka soo baxaya

War goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir ayaa sheegay saddex ka mid Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar ay halkaas ka baxsadeen.

Saraakiil ku sugan xabsiga ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay mid ka mid ah maxaabiistaas ka soo qabteen agagaarka kawaanka Malaayga degmada Xamar-weyne dibna loogu celiyey xabsiga.

Labada kale ee weli maqan ayaa la sheegay iney baadi goobayaan ciidamada amaanka, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in maxaabiista maqan ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuna kala xukunaayeen 15 sano iyo xabsi daa’in.

Saraakiisha xabsiga dhexe iyo taliska ciidanka asluubta ayaan illaa hadda ka hadlin dhacdadan.

Lama oga sida Maxaabiistan ay ugu suuragashay iney ka baxsadaan xabsiga dhexe oo aad loo ilaaliyo amaankiisa, waxaana socda baaritaano, iyadoo si weyna loo tuhunsan yahay in saraakiisha xabsiga qaarkood ay fududeeyeen arintan oo fadeexad kale ah laamaha amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi balaaran oo soo gaaray Muqdisho & Masuuliyiin sare oo soo dhoweeyay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Hakiyay Qaabilaada dadka ugu imaanaya Madaxtooyada (Akhri Sababta)

Cabdi Cade

Taliye Joojiyay Banaan bax lagu taageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo oo loo yeeray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---