Taliye Joojiyay Banaan bax lagu taageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo oo loo yeeray

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in taliska guud ee Booliiska federaalka Soomaaliya magaalada Muqdisho uga yeereen in uu yimaado Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Hiiraan Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahadalle.

Taliye Cali Dhuux Mahadalle iyo saraakiil kale oo katirsan booliiska Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Baladweyne ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib markii lagu amray in ay yimaadaan.

Sida aan wararka ku helnay taliyahan ayaa wax laga weediin doonaa sababta keentay in is hortaag ku sameeyo Banaan bax ay bulshada Baladweyne abaabuleen oo lagu taageeri rabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Taliyahan iyo saraakiil kale oo ka hoos shaqeeysa ayaa xoog ku joojiyay banaan bax lagu taageeri rabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa ayna saraakiishan si cad u sheegeen in banaan bax aan laga dhigi karin magaalada.

Lama oga taliska booliiska Soomaaliya talaabada ay ka qaadi doonaan saraakiishan oo fulinayay amarka Madaxda Hirshabelle oo kahor yimid in magaalada Baladweyne laga dhigo banaan bax dowlada federaalka gaar ahaan Madaxweynaha lagu taageeri lahaa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -