Milatariga Mareykanka oo war kasoo saaray Duqeymo ka dhacay labo Deegaan

War Saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu faah faahiyay duqeymo dhinaca cirka ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano katirsan gobolka Shabeeha Hoose

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeymo la beegsadeen gaadiid ay la socdeen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxa ayna Mareykanka sheegeen in duqeynta lagu dilay afar xubnood oo Shabaab ah ay ku jiraan saraakiil.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeymaha ay ka dhaceen deegaanada Kuunyo Barrow iyo Caliyow Barrow oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, waxa ayna taliska milatariga Mareykanka sheegeen in duqeynta shacab aysan waxba ku noqon.

Duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa la sheegay in ay gaarayeen sadex, waxaana labo kamid ah duqeynta ka dhacday deegaanka Kuunyo Barrow halka tan sadexaadna ka dhacday Caliyow Barow waxaana lagu bur buriyay labo gaari.

Dowlada Soomaaliya ayaa xalay u shaacisay in duqeyn lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsan Al Shabaab laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarkan imaanaya xili qarax ka dhacay Muqdisho maalin kahor lagu laayay dad aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -