Dhaawacyadii Muqdisho laga qaaday oo caawa gaaray Ankara & qof ka mid ah oo..(Sawirro)

Dayuurad Milateri oo maanta duhurkii ka qaaday magaalada Muqdisho qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qarixii Ex-control Afgooye ayaa gaartay caawa magaaladda Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga.

Tiradda dadka Dhaawaca ah ee Dayuuraddu qaaday ayaa ahaa 16 ruux, waxaana intii ay Dayuuraddu hawada ku jirtay geeriyootay haweeney la oran jiray Aamina Cusmaan Kheyre oo ka mid aheyd dadka dhaawacyadda daran qabay.

Gaadiid fara badan oo Ambalaas ah ayaa dhaawacyada ku sugayey garoonka dayuuradaha Ankara, kuwaasoo markii dayuuradii laga dejiyey u kala qaaday isbitaalo ku yaalla magaaladaas.

Dayuurad kale oo ay soo dirtay dowlada Qatar ayaa la filayaa iney maalinta beri ah soo gaarto magaalada Muqdisho iyadoo qaadi doonta dhaawacyo kale oo lagu soo daweynayo isbitaalada dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -