(Daawo Sawirro) Duqeyn naxariis la’aan ah oo weli ka socota Ghouta & dhimashada oo tira beeshay

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda Magaaladda Ghouta oo muddo todobaad ku dhow duqeyn aan kala sooc laheyn ay ku hayaan dayuuradaha dagaalka ee dowlada Siiriya.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku afgaran waayey qaraar dagaalka lagu joojinyo, iyadoo Faransiiska uu sheegay in haddii golaha ammaanku ay ku guuldaraystaan in ay caawiyaan boqolaalka rayidka ah ee ku xanniban dagaalka Suuriya ay la micno tahay waxtar la’aanta UN-ka.

Danjiraha dowladda Faransiiska, Francois Delattre, ayaa sheegay in in Qaramada Midoobay oo caawin wayso dadka bariga Ghouta ku tabaalaysan ay luminayso kalsoonidii lagu qabay.

Ruushka oo ka caga jiidaya in qaraarkan la ansixiyo ayaa sheegay in qaraarka xabad joojinta ee ay soo jeediyeen Sweden iyo Kuwait ay tahay in isbadal lagu sameeyo.

Balse diblomaasiyiinta reer galbeedka ayaa waxay sheegeen in Ruushku doonayaan iney dib u dhigaan qaraarka si taasi ay fursad u siiso in dowladda Suuriya ay sii wado weerarka.

Dad ka badan 300 oo qof ayaa oo caruur iyo haween u badan ayaa lagu dilay duqeymaha maalmihii la soo dhaafay ciidamada Siiriya ku hayeen bariga magaalada Ghouta oo ku dhow caasimada Dimishiq halkaasoo ay ku go’doonsan yihiin boqolaal kun oo rayid ah, waana goobtii ugu dambeysay ee ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka.

Dadka magaalada ayaa soo werinaya xaalado argagax leh oo ka dhashay duqeynta aan loo meel dayin ee halkaas ka socota habeen iyo maalin, waxayna xuseen in meydadka boqolaal qof ay daadsan yihiin goobo kala duwan qaar kalena ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha, waxaana aad gabaabsi u ah cuntada, biyaha iyo dawaoyinka lagula tacaalayo boqolaal qof oo dhaawacmay, waxaanaa la soo sheegayaa in xaalada halkaas ka jirta ay tahay mid rajo beel ah.

AFP_10F8A6

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -