Madaxweyne Afwerki oo balan-qaad u sameeyey Madaxda dowlada Itoobiya

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa khamiistii ballan-qaaday inuu xoojin doono wada-shaqeynta kala dhaxeysa Itoobiya, isaga oo ku guda jiray maalintii ugu dambeysay booqasho laba maalmood ah, oo loo arkay inay timid xilli hanaankii nabadda labada dal uu gaabiyey.

Afwerki ayaa arbacadii Addis-Ababa ku tagay booqashadii ugu horreysay tan iyo markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize ku helay billaabidda heshiiska labada dal, isagoo ka mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee la siiyey isaga iyo wafdigiisa.

Waxa uu ballan-qaaday inuu u shaqeyn doono “si xooggan si dib loogu helo fursadihii ka lumay saddex jiil oo labada dal ah, loona xoojiyo bogga cusub ee wada-shaqeynta labada dal” sida uu qoraal uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

Isaias iyo Abiy ayaa sidoo kale khamiistii dhagax dhigay dhismaha cusub ee safaaradda Eritrea ee Addis-Ababa.

Kadib markii labada hoggaamiye ay markii ugu horeysay ku kulmeen Asmara sanadii tagtay, ayaa waxay dib u fureen safaaradahooda, duulimaadyadii labada dal ayaa dib loo billaabay, waxaana xigay kulamo kale oo dhowr ah.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa dhex-maray dagaal xuduudda ka dhacay, 1998-2000, kaasi oo ay ku geeriyoodeen qiyaastii 80,000 oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -