Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey shirka Midowga Yurub (Sawirro+Video)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qayb galay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya ayaa Khudbad ka jeediyay kaga hadlay xaalada Somalia

Xassan Shiikh ayaa aya sidoo kale khudbadiisa ku sheegay hindisaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.

“Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab. Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinnay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Midowga Yurub uga mahad celiyey taageerada dhinac walba leh ee ay siiyaan dowladiisa, wuxuuna ka dalbaday in la sii xoojiyo taageeradaas si Somalia ay ugu dambeyn cagaheeda iskugu taagto.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA MADAXWEYNAHA IYO SAWIRRO

 

Related posts

Ra’isul Wasaare la dilay 59-sano kahor oo Iligtiisa dib loogu soo celinayo qoyskiisa !!

Cabdi Cade

Dowlada oo War kasoo saartay Shan Weerar oo ka dhacay Duleedka Janaale

Cabdi Cade

Shirkad Dhiseysa Dekedaha Baraawe iyo Marka oo Heshiis lala saxiixday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---