Dil goor dhow ka dhacay Magaalada Jowhar iyo dibed-baxyo halkaas ka socda

Askari ka tirsan ciidamada Maamulka Hirshabelle ayaa ku toogtay magaalada Jowhar goor dhow oo barqadii ah nin ka mid ah dadka ka kalluumeysta webiga Shabelle ee dhexmara magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu yimid ka dib Markii askariga uu lacag baad ah weydiistay ninka kaluumeysatada ah oo rasaas lagu furay markii uu diiday bixinta lacagtaas.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Yaasiin Maxamed Maxaad oo 33 jir ahaa, waxaana la sheegay inuu baxsaday askariga dilka geystay oo haatan ciidamada amaanku ay baadi goob ugu jiraan sida wararku sheegayaan

Magaalada Jowhar ayaa Waxaa ka socda banaanbax ay dhigayaan shacabka halkaas ku nool kaasoo ay kaga soo horjeedaan dilka xaqdarada ah ee lagula kacay muwaadinkaasi.

Dadka dibed baxaya oo u badan dhalinyaro ayaa raxan raxan u socda bartamaha magaalada Jowhar, iyagoo meelaha qaarna dhagxaan tuuraya, maamulka gobolka Sh/dhexe ayaana illaa hadda ka hadlin dhacdooyinkan.

Warbaahinta Magaalada Jowhar iyo suxufiyiinta kale ee halkaas ka howlgala ayaa horey looga mamnuucay iney tebiyaan wararka looga horjeedo maamulka sida banaanbaxayada iwm taasoo xad gudub ku ah madax banaanida iyo xuquuqda ay warbaahintu u leeyihiin iney tebiyaan dhacdooyinka maalmeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -