C/kariin Guuleed oo ka digay qodob ka mid ah sharciga cusub ee doorashooyinka Qaranka

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka digay in sidiisa loo qaato qodobka 13aad ee sharciga doorashooyinka Qaranka oo uu sheegay in laga yaabo inuu wax u dhimo nidaamka awood qeybsiga beelaha.

Qodobkan ayaa dhigaya in Madaxweynaha la doorto uu xilka Ra’isal Wasaare u magacaabi karo oo kaliya shaqsi ka yimid Xisbiga ama Isbaheysiga ku guuleysta kuraasta ugu badan Aqlabiyadda Baarlamaanka (50%+1).

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa awooddii uu markii hore madaxweynuhu u lahaa inuu si iskiis ah u soo xusho qofka Ra’iisal Wasaaraha noqonaya ee uu u arko in uu hoggaamin karo xukuumadda cusub.

C/kariin Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sharaxaya sida qodobkan uu u dhaawici karo nidaamka awood qeybsiga beelaha

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUULEED

—————————————————————————————————

ARIMO KU GADAAMAN QOD.13aad EE SHARCIGA DOORASHOOYINKA.

Anigoo u mahad celinaya gudiga sharciga doorashooyinka ee Baarlamaanka, haddana waxaan lagama maarmaan ah in la ifiyo arimo ku gadaaman qodob cusub ee ay gudigu ku soo dareen sharciga oo ah qodka 13aad gaar ahaan faqradiisa 6aad ee sharciga doorashooyinka ee sheegaya ama tibaaxaya in madaxweynahu uu ka soo dhex qabanayo wasiirka koowaad xisbiga ku guuleeysta aqlabiyadda Barlamaanka.

Haddaba waxaan isleeyahay qodobkaasi cusub ee aan horay baarlamaanku oga doodin ogana baaraan dagin waxuu u baahan yahay is dul istaag iyo ka doodis badan, marka laga eego arimaha soo socda:

1. Qodobka oo aad moodo inuu ka hor imaanayo qodka 90aad ee dastuurka ee qeexaya awoodaha madaxweynaha, asagoo gacmo xiraya madaxweynaha.

2. Qodobka oo wax ka badal weyn ku sameynaya nidaamkii xukun ee dalka ee ku dhisnaa kuna saleysnaa awoodo dheeli tiran oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo wasiirka koowaad, lakiinse haddii qodabkaan 13aad la qaato waxaa dhaci doonta in awoodda wasiirka koowaad ay aad xoogeysato uuna noqonayo asagu madaxa dowladda (Head of State) sida curfi ahaan lagu yaqaano wasiirada koowaad ee ku yimaado habka aqlabiyadda Baarlamaanka.

Haddii ay sidaas dhaceysana oo nidaamkaas xukun ee cusub aan u guureynana waxay u baahan tahay in si weyn looga hadlo loogana baaraan dago oo uusan si sibiq ah nagu galin laguna qaadan.

3. Qodobka oo laga yaabo inuu qalqal iyo qulub ku keeno nidaamkii awood qeybsi ee dalka ka jiray, waayo hadduu madaxweynuhu wasiirka koowaad ka soo magacaabayo xisbiga hela aqlabiyadda Baarlamaanka waxaa imaan karta in haddii madaxweynaha la doortay uu noqdo beel (A) qofka hogaamiya xisbiga hela aqlabiyadda baalamaankuna noqdo isla beel (A) uu madaxweynuhu ku qasbanaado inuu qofkaas magacaabo maadaama uu asagu yahay hogaamiyaha xisbiga ee xaqa u leh xubintaas ama xilkaas, taas oo dhaawac ku ah dhowrista nidaamkii awood qeybsi ee jiray.

Dhanka kale hadduu madaxweynuhu asagoo dhowraya awood qeybsiga qofkaas qof aan aheyn oo beel (B) ah uu xisbigaas ka dhex qabsadana, waxaa imaan karta inuusan qofkii hogaamiyaha xisbiga ahaa uu ku qanci waayo oo halkaas khilaaf iyo burbur xisbigaas ku yimaado ay dhacdo.

Haddaba waxaan xildhibaanada sharafta leh u soo jeedin lahaa in qodobkaas ay sii gaar ah diiradda u saaraan loogana doodo.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -