Allbanaadir.com
NEWS

Khayre oo kormeeray Xarunta dowlada hoose ee Xamar, kulana la qaatay Masuuliyiinta gobolka (Daawo Sawirro)

Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Waxaa halkaas ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow).

Raisul Wasaaraha ayaa warbixin kooban ka dhageystay duqa magaalada Muqdisho taasoo ku saabsaneyd sida ay u socdaan howlaha kala ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar.

Waa markii ugu horeysay ee Raisul wasaare Khayre uu booqdo xarunta dowlada hoose ee Xamar tan iyo markii dhowaan uu xilka la wareegay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorasho Qof iyo Cod ah oo saakay ka bilaabatay Puntland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hogaamiyaasha Maamul goboleedyada oo kasoo horjeestay Go’aan kasoo baxay Maxkamada sare (Akhriso)

admin

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Safaarada Mareykanka ku leeyahay magaalada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---