Cumar Filish oo gudoomiyey kulan looga hadlay xoojinta amniga Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mgaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir Guddoomiyay shirkii asbuuclaha ahaa ee Maamulka sare ee gobolka Banaadir iyo guddoomiya yaasha Degmooyinka.

Shirka waxaa looga hadlay Xoojinta amniga caasimadda bilic soo celinta nadaafada tirakoobka guryaha iyo Wadooyinka waaweyn Sara u qaadida daqliyada kala duwan dowlada hoose ee xamar iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa warbixino ku saabsan xaalada degmooyinkooda kulankaas ku siiyey gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Duqa Mgaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu baaqay maamulada degmooyinka iney dardar geliyaan waajibaadkooda shaqo ayna ku dedaalaan sugida amaanka caasimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -