War cusub oo ka soo kordhay safarka ay Tanzania ku tageen Xasan Shiikh & wafdigiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaarey Magaalada Daressalam ee dalka Tanzania, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Cadaaladda iyo Warfaafinta, ayaa inta uu joogo Tanzania kulamo la yeelanaya Madaxweyne Samia Suluhu Hassan iyo madax kale.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale ay labada dal kala saxiixan doona heshiisyo iskaashi.

“Wafdiga Madaxweynaha JFS iyo Madaxda dalka Tansaaniya waxa ay kala saxiixan doonaan heshiiyo ku saabsan Iskaashiga, Warfaafinta iyo heshiis ku saabsan Arimaha Cadaalada oo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Tanzaaniya loogu celinayo dalka.” Wasiirka Arimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi

Sida lagu sheegay war ka soo bax ay Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisa waxaa uu sidoo kale ka qeybgeli doonaa xuska sannadguuradii 60-aad ee ka soo wareegtay midowga dalkii hore loo oran jiray Tanganyika iyo Jasiiradaha Zanzibar oo markii dambe wada qaatey magaca Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania.

- Advertisement -