Dal Yurub kuyaala oo lagu soo baarayo Sababtii keentay Bur burka Diyaaradii Itoobiya

Dowlada Itoobiya ayaa baaritaanka diyaaradii shirkada Itoobiyaan Airlines ee dhawaan soo dhacday kala kaashaneysa dowlada Faransiiska, waxaana wali socda baaritaano lagu ogaanayo waxa keenay shilkaasi.

Masuuliyiin katirsan dowlada Itoobiya iyo sidoo kale shirkada Diyaaradaha Itoobiyan Airlines ayaa magaalada Paris u qaaday Qalabkii kaydka computerka diyaaradii Ethiopian Airlines ee bur burtay axadii.

War kasoo baxay shirkada diyaaradaha Itoobiyan Airlines ayaa maanta lagu shaaciyay in Qalabkii kaydka computerka diyaaradii bur burtay loo qaaday magaalada Paris si baaritaan qoto dheer loogu sameeyo sababta shilka dhalisay.

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in aysan awood u laheyn in baaritaan ku sameeyay qalabka diyaarada oo ah mid casri ah, waxa ayna Itoobiya helitaanka xogta shilkan ka sugeysaa khubaro Faransiis ah oo baaraya.

Shilka Diyaaradii Itoobiyan Airlines ee ku dhinteen dad gaaraya 157-qof ayaa loo maleenayaa in ay sabab u aheyd diyaarada nuuceedu yahay Boeing 737 MAX8, waxaana isticmaalka diyaaradan laga mamnuucay wadamo badan oo caalamka kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -