Shirkadda Boeing oo go’aan cusub ka soo saartay dayuuradda 737 Max

Shirkadda sameysa diyaaradaha ee Boeing ayaa sheegtay inay si kumeel gaar ah u hakin doonta sameynta diyaaradda nooceedu yahay 737 max, marka la gaaro bisha Janaayo ee sanadka 2020-ka oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Shirkadda ayaa muddooyinkii dambe sameyneysay diyaaradda 737 max, xitaa kadib markii shirkado badan ay joojiyeen isticmaalka 737 max, kadib markii ay dhacday laba jeer.

Shirkadda Boeing ayaa rajeyneysay in isticmalaka diyaaradan markale dib loo bilaabo dhamaadka sanadkan, hasayeeshee hey’adda xakameysa badqabka duulimaadyada ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradda 737 max aysan si dakhsi ah ugu laaban karin hawada ilaa iyo inta xal looga helayo cillada heysata.

Boeing ee fadhigeedu yahay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kamid ah shirkdaha Mareykanka ee inta badan wax u dhoofiya dibadda.

In kabadan saddex boqol oo qof ayaa ku dhintay, kadib markii diyaaradda 737 max ay ku burburtay dalalka Indonesi iyo Itoobiya, waxaana sababta ay diyaaradahaas u dhaceen lagu sheegay cillad ka jirta naqshadda cusub ee loo farsameeyay diyaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -