Gobolo iyo Degaano ka tirsan Soomaaliya oo aan beri laga soomeynin

Degaano ka tirsan Soomaaliya ayaa la filayaa inaan beri laga soomin xili caawa dowlada Somalia ay shaacisay in beri ay tahay maalinta 1aad ee bisha Ramadaan

Somaliand ayaa ka mid ah meelaha aan beri si furan looga soomeynin ka dib markii Maamulku uu sheegay in beri ay tahay 30ka Shacbaan, isla markaana Soonku uu bilaabanayo maalinta Axadda ah.

Sidoo kale maamulka Puntland oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka Somalia ayaa iyana shaaca ka qaaday in beri aysan soon aheyn, inkastoo saacado ka dib la arkay Madaxweyne Deni oo baraha bulshada  Ramadaanka awgeed hambalyo u diraya shacabka.

Sidoo kale, degaano ka mid ah Galmudug oo ay ku jirto Guriceel,  qeyb Cadaado ka mida, Caabudwaaq Xeraale iyo qeybo ka mida Gaalkacyo ayaan laga soomeynin beri sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

“Dhamaan Meelaha ay joogaan Wadaadada Ahlusunna Bari waa 30-ka Shacbaan waxayna ku doodayaan ineysan Arag Bishii Ramadaan sidaa ayaana Maqaahiyuhu Bari ku furan yihiin oo Cuntada lagu iibinayaa” sidaa waxaa yiri weriye ku sugan magaalada Guriceel.

Jabuuti iyo degaanada Soomaalida ee dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale loga dhawaaqay in beri laga soomayo.

Inkastoo dalalka Khaliijka ay fiidkii horeba shaaciyeen iney beri tahay maalinta koowaad ee Ramadaan ayaa haddana waxaa dalal ka tirsan kuwa Islaamka oo beri buuxinaya 30ka Shacbaan, waxaana ka mid ah Pakistan, Indonesia, Malaysia iyo dalal kale.

- Advertisement -