Sidee ku dhacday 16-askari oo kasoo lugeysay Kismaayo in ay tagaan Baraawe ? !!

Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo maanta su’aalo uga jawaabay Xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay hadal dad badan layaab ku noqday.

Generaal Odawaa oo wax laga weediiyay awooda xiligan ee Al Shabaab ayaa sheegay in aysan jirin  awood badan oo leedahay kooxdaasi, waxa uuna cadeeyay in wax badan iska badaleen awoodii ay kooxdaasi ku laheyd gobolada dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in 16-askari oo katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo kasoo tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose qaarkood lug ku tageen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

“Awooddoodu aad bay u hooseysaa, waxaana rabaa inaan tusaale cad idinka siiyo sida ay awooddoodu u hooseyso. Muddo hadda ay kasoo wareegtay labo bilood, 16 askari ayaa waxay kasoo lugeeyeen magaalada Kismaayo, waxaa laga yaabaa xildhibaanno badan inay xaaladdaas la socdaan. Ciidankaas waxay dagaallo badan kusoo galeen inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Baraawe, shan askari ayaa kasoo dhimatay, midna wuu kasoo dhaawacmay, intoodii kalena waxay lugtii ay ku socdeen ku imaadeen magaalada Baraawe. Marka awoodda cadowga meeshaas ayaad ka dareemi kartaa”, ayuu yiri Janaraal Odowaa.

Taliyaha ayaan faah faahin badan ka bixin sida ay ciidankan katirsan milatariga Soomaaliya kusoo gaareen magaalada Baraawe , sidoo kale kama hadlin sahaydii ay wateen inta maalin ay soo socdeen iyo waliba deegaanada ay soo mareen.

Dad badan ayaana isweediiyay suurto galnimada hadlka uu sheegay taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya iyadoona la ogyahya in Al Shabaab awood badan ku leedahay gobolada Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose ayna adag tahay in lagu dhax socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -