Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorashada kuraas ka mid ah Golaha shacabka oo ka dhacday Kismaayo (Sawirro)

Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay caawa doorashada Labo kursi ee tirsigoodu yahay Hop029 iyo Hop124 ee Golaha Shacabka.

Kursiga Hop029 oo ay leedahay beesha Majeerteen ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Liibaan Cismaan Cabdiraxmaan hase ahaatee waxaa ku soo baxay hadda Axmed Maxamuud Jamaac (Buux)

Kursiga labaad ee Hop124 oo ay leedahay beesha Shiikhaal waxaa ku soo baxay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif oo ka tirsan xubnaha ku dhow Axmed Madoobe.

Waxaa Kursigan horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah saaxiibada taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Magaalada Kismaayo waxaa weli ku harsan doorashada labo kursi oo la qaban doono todobaadkan gudihiisa sida uu sheegay guddiga doorashada Jubbaland.

Related posts

Iran oo xukun dil ah ku fulisay maxbuus caan ah oo lagu xiray mudaaharaadyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Duleedka magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

RW Ku-xigeen shaqadiisa ku waayey aflaam anshax xumo ah oo Kombiyutarkiisa lagu arkay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---