Liiska Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug oo lasoo saarayo iyo Odayaal badan oo laga saaray …

Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan soo saaraan Liiska Odayaasha matalaya beelaha dega Galmudug soona xulaya Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Inta badan Odayaasha la filayo in ay soo xulaan Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa lagu xareeyay xerada Shiirkole ee kutaala magaalada Dhuusomareeb, waxaana harsan tiro yar oo odayaal ah oo khilaaf ka taagan yahay.

Odayaasha ay xareeyeen guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa waxaa ku jira odayaal aan sax aheyn balse dano siyaasadeed loo xareeyay, waxaana Odayaashaas qaarkood lagu bedelay saxiixayaashii rasmiga ahaa.

Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka iyo xubno kale oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaana la sheegay in ay ka shaqeeyeen musuq maasuqa lagu sameeyay Odayaasha qaar ee liiska looga saaray laguna bedelay Odayaal kale.

Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaana ku mashquulsan soo saarista liiska Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka , waxa ay sidoo kale guddiga ka cabsi qabaan fal celinta ka dhalan karta liiska Odayaasha ay ku jiraan kuwa aan sax aheyn.

Sida ana wararka ku heleyno Odayaal badan oo ahaa saxiixayaashii soo xulay Baarlamaankii hore ee Galmudug ayaa meesha laga saaray, waxaana lagu bedelay Odayaal gacan ku sameys ah oo dano siyaasadeed loo keensaday.

Odayaasha xareesan ayaana la filayaa in ay soo magacaabaan Xildhibaano loo far muuqay si Xildhibaanadaasi iyana usoo doortaan Gudoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne horey loo qorsheeyay in Galmudug hogaamiyaan.

Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ayaa horey ugu eedeesay maamulka Jubbaland in ay badaleen Odayaashii saxda ahaa lana xareeyay Odayaal uu watay Axmed Madoobe taa oo keentay in dowladu diido natiijada Doorashadii ka dhacday Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -