Al Shabaab oo shaacisay magacyada iyo qabiilada labo kamid ah ragii Weeraray SYL Hotel

Dagaalyahno hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa isbuucii hore weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku qaadeen Hotelka SYL ee kuyaala agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka Hotelka lagu qaaday waxaa fuliyay shan nin hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab kuwaa oo dhamaantood la dilay, waxaana weerarka hotelka ku qaadeen ragan hubeesan uu socday saacado badan.

Al Shabaab ayaa warbaahinteeda ku baahisay wareysiyo laga qaaday labo kamid ah ragii weerarka ku qaaday Hoteka SYL, waxa ayna ragan sheegeen in ay ku faraxsan yihiin weerarka ay ku qaadeen Hotelka SYL.

Weerarka lagu qaaday Hotelka SYL waxaa hogaaminayay Max’med Maxamuud Cabdi (Saadaq) ninkan ayaana Al Shabaab sheegeen in uu kasoo jeedo Beesha Xawaadle gaar ahaan jufada Reer Ugaas.

Ninka labaad ee ka qeyb qaatay weerarkii lagu qaaday hotelka SYL ayaa Al Shabaab maaciisa ku sheegeen C/Raxmaan Xasan Max’med , ninkan ayaa sidoo kale Al Shabaab sheegeen in uu kasoo jeedo beesha Biimaal.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayey sheegeen in ay ku dileen masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya sidoo kale ku dhaawaceen qaar kale.

 

- Advertisement -