Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo la kulmay Mid kamid ah Wasiirada ugu awooda badan Itoobiya

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caasimadda dalka Itoobiya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Itoobiya Axmed Shide.

Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweynuhu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar.

Wasiirka  Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay  in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag ee ka dhexeeya labada dhinac .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo Digniin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Taliyaasha Booliiska iyo Nabad Sugida Gobolka Hiiraan oo Muqdisho looga yeeray

Cabdi Cade

Maxaa kahor taagan maamulada Puntland iyo Hirshabelle bilaabista Doorashada ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---