Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo la balaarinayo iyo Sababta keentay oo la shaaciyay

Xukuumada Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , kadib markii garoonka ay kordheen diyaaradaha kusoo degaya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in bishan December uu bilaabanayo qorshe lagu balaarinayo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxa uu sheegay Wasiirka in nabada ka jirta Magaalada Muqdisho ay keentay in ay sii kordhaan diyaaradaha kasoo dega garoonka, waxa uuna tilmaamay in shirkada maamusha garoonka kula hehiiyeen in la balaariyo garoonka .

“Nabadda oo sii kororta, Diyaaradihii oo sii batay, dhaqaalihii oo batay, garoonkana in uu sii weynaado ayay ahayd,  runtii meel aan ku sii weyneyno oo badan ma jirto ,laakiin  waxaa jira heshiis aan la galnay shirkadda garoonka maamusha, taaso oo balaarin doonto garoonka dhulka aan heysano iyo qeyb ka mid ah dhanka badda la duugo,” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wasiirka ayaa sheegay in Mustaqbalka dhaw loo baahan doono in ay caasimada Muqdisho yeelato garoon kale oo ka weyn kana casrisan kan Aadan Cadde, waxa uuna sheegay in ay xilibo xili ka dambeeya sii kordhayaan diyaaradaha imaanaya Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -