Fannaanad caan ah oo isaga baxday Fanka kaddib geerida labo wiil ay asxaab ahaayeen

Waxaa baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay qabsaday qoraal ay soo dhigtay fannaanada caan ah ee Najma Cabdinaasir Ciise (Najma Nashaad), oo kamid ah fannaaniinta dhallinyarada ah ee kunool Hargeysa aadna loo jecel yahay heesaheeda.

Qoraalka ay soo dhigtay Namjo Nashaad ayey ku sheegtay in gabi ahaan isaga baxday fanka, kaddib geeri naxtin leh oo ku timid labo wiil oo kamid ahaa asxaabteeda, kuwaa oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Burco iyo Hargeysa.

Fannaanada ayaa warbaahinta qaar u xaqiijisay in gabi ahaan ka baxday fanka, kaddib markii ay ka naxday geerida ku timid labada wiil ee asxaabta ahaayeen, kuwaa oo gacan ku siin jiray soo saarista iyo duubista heesaha ay qaado.

Wiilasha geeriyooday oo ay ka naxday Najmo Nashaad ayaa kala ahaa Mustafe Saleebaan oo kamid ahaa milkiilayaasha barta youtube-ka heesaha la dhigo ee Waqal studio iyo liibaan Daahir, kuwaa oo ay asxaab aad u dhaw ahaayeen fannaanada Najmo Nashaad.

Dad badan ayaa aad uga naxay geerida ku timid labadan wiil oo la sheegay in uu gubtay gaarigii ay la socdeen kaddib markii uu shilka galay, waxa ayna wiilshadan caan ka ahaayeen deegaannada Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -