Al Shabaab oo shaacisay in beri Ciid tahay iyo Deegaanada laga arkay Bisha Shawaal

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu shaaciyay in beri oo sabti ah ay tahay maalin ciid ah , waxaana Al Shabaab sheegeen in deegaano dhoor ah oo kuyaala qaar kamid ah gobolada dalka laga arkay bisha Shawaal.

Al Shabaab ayaa sheegtay in 15-qof oo ku dhaqan qaar kamid ah gobolada dalka ay arkeen bisha Shawaal,  waxa ayna Al Shabaab warkooda ku sheegeen in bisha laga arkay gobolada Jubooyinka, Baay, iyo Shabeelaha Dhaxe.

Warka Al Shabaab kasoo baxay ayaa lagu sheegay in 10 qofood h ay bisha ku arkeen duleedka Gamboole, 3 kalena ay ku arkeen Waraha Dhoobleey halka 2 qofood oo kalena ay ku arkeen Degmada Ufuroow.

Al Shabaab ayaana sheegtay in beri tahay maalinta koobaad ee ciidul fitriga, waxa ayna dadka muslimiinta ah ugu hambalyeeyeen munaasabada Ciida, waxaana la filayaa in deegaanada Al Shabaab ka taliyaan beri si weyn looga ciido.

Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in beri oo sabti ah la dhameestirayo Soonka lana ciidayo maalinta axada, waxaa sidoo kale beri aan laga ciideyn inta badan wadamada Islaamka .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -