Qorshaha Xil ka-xayuubinta Madaxweyne Trump oo heer gebogebo ah soo gaaray

Guddi Hoosaadka Garsoorka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ansixiyay qodobada xil-ka-xayuubinta ee ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.

Xubnaha Dimqoraadiga ee Aqalka Wakiilada ayaa isku dayaya inay ciqaabaan madaxweynaha, oo ay ku eedeeyeen inuu awooddiisa ku xadgudubay, halka Jamhuuriga ay cambaareeyeen hanaankan, oo ay ku sheegeen inuu yahay mid siyaasad ay ka dambeyso oo aan caddeyn loo hayn.

Guddiga ayaa habeenkii arbacada ka dooday qodobada oo madaxweyne Trump ku eedeynaya inuu ku xadgudbay awoodda xafiiskiisa, isaga oo dowlad shisheeye oo ah Ukraine u adeegsaday inay fara-geliso doorashada 2020, iyo inuu hor-istaagay baaritaanka ay congress-ka ku sameynayeen arrintan.

Doodda ayaa sii socotay, ka hor inta uusan guddigu u qaadin cod in qodobada la horgeeyo Aqalka Wakiilada oo dhan iyo in kale.

Madaxweyne Trump waa uu beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey. Waxa uu sheegay inuu wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ay ahaayeen kuwa aan wax dhib ah ku jirin.

Eedaha ka dhanka ah Trump ayaa waxaa xuddun u ah inuu cadaadis saaray Ukraine, isagoo celiyey kaalmo Mareykanka ugu talo-galay oo ahayd 391 milyan oo dollar, si uu ugu qasbo inay baaritaan ku sameeyaan Joe Biden oo ay suurta-gal tahay inuu kula loolamo doorashada 2020, taasoo ka dhigan in Trump uu danihiisa siyaasadeed ka hor mariyey danaha Qaranka Maraykanka, uuna awoodiisa u adeegsaday si qaldan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -