Mareykanka oo la baxaya diblomaasiyiinta safaaradiisa Abuja (Sababta)

Dowlada Mareykanka ayaa shaqaalaha diblomaasiyiinta intooda badan kala baxay caasimadda dalka Nigeria ee magaalada Abuja, sababo la xiriira khatar weeraro argagixiso oo laga cabsi qabo.

Safaaradda Mareykanka ee Abuja, ayaa kula talisay muwaadiniinta Mareykanka inaanay u soo safrin magaalada, ma aysan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan khatarta iman karta.

Sidoo kale, Arbacadii dowladda Mareykanka, ayaa digniin tan la mid ah u gudbisay Koonfur Afrika, iyadoo ku wajahnayd digniinta dadka ku nool xaafadda Sandton.

Xaafadani ayaa waxaa dagan dadka taajiriinta ah, iyadoo ku taalla magaalada Johannesburg, Dadka ayaa waxaa laga dalbadey inay ka fogaadaan meelaha dadku ku badan yahay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -