Ciidamada dowlada oo howlgalo ka wada Hotelka SYL iyo qaraxyo goordhaw laga maqlay

Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Koofiyo casta iyo ciidanka gaarka ee booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo baaritaano ah kawada gudaha Hotelka SYL oo xalay weerar ku galeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada dowlada ayaa wada toogtay dableydii weerarka ku qaaday gudaha Hotelka kadib saacado badan oo dagaal culus uu ka socday dhismaha Hotelka .

Ciidamada dowlada ayaa goordhaw gudaha Hotelka SYL ku qarxiyay miinooyin la sheegay in ay Hotelka ku xireen dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka ku qaaday dhismaha Hotelka ee ku dhaw Madaxtooyada.

Meydadka dableydii weerarka ku qaaday Hotelka SYL ayaa yaala goobtii lagu toogtay, waxaana halkaasi gaaray saraakiil katirsan ciidanka kala duwan ee dowlada iyo kuwa qaabilsan baarista.

Weerarka xalay lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo kuyaalay goob amaankeeda aad loo ilaaliyo ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray saraakiil dowlada katirsan ciidan iyo waliba dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -