Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal caan ah oo kamid noqday dadkii lagu dilay weerarkii Hotelka SYL

Weerar xalay dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen Hotelka SYL ee magalaada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo gaaray saraakiil , ciidan iyo waliba dad shacab ah.

Dadka weerarka lagu dilay waxaa kamid ahaa Maxamuud Ismaaciil Warsame (Muuf) oo katirsanaa saraakiisha Koofiya Casta gaar ahaan ilaalada Ra’isul Wasaaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sargaalkan ayaa la sheegay in uu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee u gurmaday Hotelka SYL markii weerarka lagu qaaday , waxaana la sheegay in sargaalkan ku dhintay iska hor imaadka ka dhacay gudaha Hotelka SYL.

Sida aan wararka ku helnay sargaalkan la dilay ayaa sanado badan katirsanaa ciidanka Koofiya casta gaar ahaan Ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada, waxa uuna ilaalada gaarka usoo noqday Ra’isul Wasaarayaal kala duwan isagoona caan ka ahaa Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Beesha caalamka oo Baaq deg deg ah ka soo saartay dagaalka Garowe

Caydiid Ali

Prof. Dufle: “Cabista Sigaarka & isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad”

Caydiid Ali

Masaajid kuyaalla magaalada Dhuusomareeb oo la gubay iyo baaritaano socda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---