Jilaaga ugu Mushaharka badan dunida & qoyskiisa oo laga helay COVID-19

Jilaaga caanka ah ee Dwayne Johnson ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa uu ku dhacay xanuunka Covid-19 ka dib hadal kooban uu baraha bulshada ku faafiyey.

Johnson oo ah jilaaga ugu mushagarka badan adduunka ayaa sheegay in isaga, xaaskiisa iyo labadooda gabdhood uu ku dhacay xanuunka, inkastoo ay ka feejignaayeen.

Wuxuu sheegay in natiijada baaritaankooda ay aad u xanuunjisay. Balse ay haatan ka soo reynayaan, aysana jirin wax laga walwalo.

48 jirkan ayaa sheegay in isaga, xaaskiisa Laureniyo gabdhahooda Jasmine iyo Tiana oo afar jir iyo labo jir kala ah, ayna fayraska ka qaadeen todobaadyo ka hor saaxiibbo aad ugu dhowaa qoyskooda, kuwaasoo aan ka war qabin sida ay fayraska u qaadeen.

“In lagaa helo Covid-19 aad bay uga duwan tahay inaad ka soo kabato dhaawacyo culus, ama in guri lagaa saaro amaba aad lacag la`aan noqoto, xaaladahaas oo dhowr jeer isoo maray,” ayuu yiri.

Jilaagan ku caan baxay aflaamya Holywoodka ayaa ku guuleystay bilado badan oo lagu siiyey qaabka uu jilay filimo badan oo dunida si weyn looga daawaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -