Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarka Hotel SYL & digniin la siiyey shacabka & Suxufiyiinta

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay markii ugu horeysay weerarka caawa ka socda hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay gudaha ugu jiraan dabley ka tirsan Al-shabaab

Taliye ku-xigeenka Booliska Somalia Jen. Sakiya Xuseen ayaa sheegtay Abbaaro 7dii fiidnimo ay dabley ka tirsan Al-shabaab weerarka ku soo qaadeen hotelka SYL, ayna u suurashay iney gudaha u galaan.

“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada amaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka” ayey tiri Jen.Zakiya.

Waxay intaas ku dartay in ciidamada amaanku ay gudaha hotelka ka soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jiray shacab iyo masuuliyiin.

“Ilaa iyo hadda waxay Ciidamada Ammaanka soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin. Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsanyahay in ay gudaha ku jiraan inta hawl galka laga soo afjarayo, Warbahinta iyo muwadininta sharafta leh waxaan fareynaa inay ka fogaadaan goobta arrimo amni awgeed” ayey hadalkeeda ku soo gebagebeysay taliye ku-xigeenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -