Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Dayuurad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines oo ku dhacday..

Dayuurad ay leedahay Shirkada Ethiopian Airlines ayaa ku dhacday Garoonka dayuuradaha magaalada Jubba ee caasimada dalka koonfurta Sudan.

Dayuuradan oo nooceedu ahaa Bombardier Dash-8 tirsiga duulimaadkeeduna ahaa ET-357 ayaa ku dhacday Garoonka dayuuradaha Jubba ka dib markii ay dhabaha orodka ka ka baxday

Waxay ku sii jeeday magaalada Addis ababa wararka ayaana sheegaya in wax khasaare nafeed uusan ka dhalan shilkan iyadoo rakaabka iyo shaqaalaha dayuurada si nabadgalyo looga soo saaray.

Roobab Da’ay iyo dhabaha dayuuraha oo aad u qoyan ayaa loo sababaynayaa shilkan sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan Shirkada Ethiopian Airlines.

Waa shilkii labaad ee muddo sanad gudihiis ay gasho dayuurad ay leedahay Shirkada Ethiopian Airlines.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarunta Golaha Shacabka oo Dib loo dhisayo iyo Sheekh Aadan Madoobe oo tagay (Sawiiro)

Cabdi Cade

Shimbir halis galisay Nolosha Wasiirka Difaaca Turkiga iyo Taliyaal ciidan

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Maamulka K/Galbeed oo 15 kun oo dollar ku abaalmariyey Max’ed Xasan (Sandheere)

Caydiid Ali