Maxaad kala socotaa tirada hantida uu ka tagay Madaxweyne Mugabe?

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo dhowaan geeriyooday ayaa ka tagay lacag gaaraysa 10 milyan oo doolar sida lagu sheegay wargeyska Herald.

Mugabe oo geeriyooday bishii September ayaanan helin wakhti uu ku qoro dhaxalkiisa, taasoo sababtay in dowladda ay qaado tallaabo lagu baadigoobayo hantidiisa iyo inta dhan tahay.

Bona Chikowore oo ah gabadha Mugabe ayaa bishii October shaacisay inuu aabaheed ka tagay $10 milyan oo dollar, afar guri iyo beero ku yaala baadiyaha uu ka soo jeedey, isagoo sidoo kale lahaa 10 gaari.

Mugabe oo xukunka dalkiisa hayey in ka badan 30 sano ayaa la sheegay in hatididiisa ay aad u yar tahay marka la eego keligii taliyeyaashii soo afrika intooda badan oo markii ay dhinteen la ogaaday balaayiin dolar oo ku qarsadeen bankiyo caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -