Allbanaadir.com
NEWS

Qofkii ugu Da’da weynaa Caalamka oo geeriyootay (Daawo Sawirada)

Haweeney kasoo jeeday dalka Japan loona aqoonsaday in ay aheyd qofkii ugu da’da weynaa Caalamka ayaa shalay oo sabti ah ku geeriyootay Isbitaal kuyaala Dalka Japan iyada oo jirta Da’da 117-sano.

Buuga lagu diwaan galiyo Dhacdooyinka Caalamka ee Guinness World Records ayaa sanadkii hore Nabi Tajima oo u dhalatay dalka Japan u aqoonsaday in ay tahay qofkii ugu da’da weynaa caalamka dadka wali kunool.

Nabi Tajima ayaa dhalatay 4-ta bishii August  Sanadkii,1900, waxa ayna shalay ku geeriyootay Isbitaal kuyaala Jasiiradda Kikai ee Gobolka  Kagoshima ee dalka Japan iyada oo jirta 117-sano iyo dhoor bilood.

Haweeneydan u dhalatay dalka Japan ayaa sanadkii hore 2017-dii loo aqoonsaday qofka ugu da’da weyn caalamka kadib markii uu geeriyooday Violet Brown oo horey u ahaa qofkii uga da’da weynaa caalamka waxa uuna isna jiray markii uu geeriyoonayay  117-sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo: “Baarlamanka ayaan kula noqonayaa wixii aan kula sheekeystay Saaxiibadey”

Caydiid Ali

Shacabka Dabdamiska ” Annaga oo hurdeyna ayaa nala gaaday ”

Cabdi Cade

Xubno lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Daacish oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---