Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka A/dibeda Somalia oo Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Itoobiya (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa shalay gelinkii dambe oo Khamiis ahayd kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mudane Demeke Mekonnen.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa heerka isku duwid oo dhinac kastaba leh iyo hore u dhaqaajintiisa si salballaaran iyadoo la taabagelinayo isfahannada iyo habmaamuusyadii hore loogu heshiiyey.

Intii kulanku socday ayaa waxaa labada wasiir ay isla fallanqeeyeen arrimo dan guud oo ay ka mid yihiin arrimaha gobolka ka taaggan iyo dunida inteeda kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday goob Raashin lagu qeybinayay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo baabi’iyey heyaddo ka tirsan Maamulkiisa, kuwo cusubna soo kordhiyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Mustafe oo war cusub ka soo saaray kala dirida ciidanka Liyu Boolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---