(Akhriso) Wasiiro Muhiim ah oo xilalka laga qaaday & kuwo cusub oo la magacaabay

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo saaray wareegto xilalkii looga qaaday labo wasiir oo ka tirsanaa maamulkaas.

Afhayeenka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa  warbaahinta u akhriyay wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasiirka Amniga C/qaadir Aadan Jeelle iyo Wasiirka warfaafinta dowlada goboleedka Hirshabelle Cabdiweli Muxumad Cabdi xilalkii ay hayeen laga qaaday

Dhinaca kale Madaxweyne Waare ayaa u magacaabay Wasiirka Amniga Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre halka Wasiirka warfaafinta Hirshabelle loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed.

Waare ayaa sidoo kale u magacaabay Wasiiru Dowlaha hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Abuukar Macalin Rashiid halka Wasiiru dowlaha Qorsheynta Xiriirka caalamiga ah loo magacaabay Cabdirizaq Aadan Geeddi.

Tallaabadan uu qaaday madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa imaneysa xili maanta degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ka dhaceen rabashado dhimasho sababay looga soo horjeedo Dowlad Gobolleedka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -