Taliska Booliska oo digniin soo saaray & saldhigyada Muqdisho oo heegan la geliyey

Taliska ciidanka Booliska Somalia ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan roobab mahiigaan ah oo saacadaha iyo maalmaha soo socda. ku soo wajahan magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka

Taliye ku-xigeenka Booliska Jen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in heegan buuxa la geliyey dhamaan saldhigyada Booliska, isbitaalada iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah.

“Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska. Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag iyagoo wacaaya number 991” ayey tiri Taliye ku-xigeenka.

Jen. Zakiya Xuseen ma cadeynin cida ay ka soo xigatay roobabka ay sheegtay iney ku soo wajahan yihiin Muqdisho.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii roobab xooggan oo socday 48 saacadood ay ka da’aeen magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo lagu diirsaday, dhinaca kalena geystay khasaarooyin naf iyo maal leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -