Ugaas C/llaahi Ugaas Faracade oo baaq muhiim ah u diray Guddiga Farsamada Galmudug

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug kulan ku yeeshay Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada uu yeelanayo maamulka cusub.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ah odayaasha saxiixayaasha ah ee soo xulaya Xildhibaanada Galmudug ayaa uga mahad celiyay Guddiga farsanada sida ay howsha u wadaan.

Waxa uu sheegay Ugaaska in magaalada Dhuusomareeb ay joogeyn dhowr bilood ayna u dhabar adeegayeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxa uuna tilmaamay in hada kadib uusan hadal harsaneyn oo howsha laguda galayo inta dhiman.

”Maanta waxii ka dambeeya uma maleenayo in hadal iyo fadhi  badan uu noo haray, Odayaasha qaar shan bilood ayey halkan joogaan, hadii Gudoomiyaha Guddiga farsamada  iyo kooxdiisa soo bandhigeen jadwalka iyo habraacada doorashada waxaa naga diyaar ah in hooshii naloo igmaday horey u bilowno.” ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi.

Ugaas Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in guddiga farsamada iyo maamul dhisida Galmudug gacan ku siinayaan howshooda iyo si walbo ay wax ku xalin karaan dhameestirka dhismaha Galmudug .

Waxa uu ugu baaqay Ugaaska Guddiga farsamada in si cadaalad ah ku xaliyaan hadii uu khilaaf ka yimaado Odayaasha saxiixayaasha uu sheegay in suurto gal tahay in la isku qabsado soo xulista Xildhibaanada.

”Wuu jiraa khilaaf , wuu jiraa is qab qabsi iyo anaa saxiixa leh iyo anaa soo xulaya, marxalad walbo aad wax ku xalineysaan ha ahaato mida cadaalad ah waayo garsoor ayaad tihiin” ayuu yiri Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi.

Guddiga Farasamada iyo maamul u dhisida Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyo soo xulista xildhibaanada ,waxaana la filayaa in dhawaan Odayaasha soo gudbiyaan Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -